Axmed Madoobe oo kormeeray deeganadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Shabaab

Apr. 10 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta booqasho Ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee katirsan Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali Argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka Dowladnimada.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonaan isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More