Axmed Madoobe oo maanta furay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Jubaland.

July 06 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada maamulkaas Jubaland, wuxuuuna ka hadlay dhinacyo kala duwan.

Waxaa ugu horayn uu Madaxweynahu tilmaamay in guud ahaan dalka ay ka jirto abaar daran meelaha roobabku ay ka da’eena ay wali ku danbayso saamaynta abaarta oo roob ku filan aanay deegaanada qaar aanay helin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in barakaca gudaha ah uu yahay mushkilada ugu weyn ee mustaqbalka lala tacaali doono sidii nolol iyo dib u habayn loogu samayn lahaa dadka gudaha ku xoolo beelay ee dulsaarka ku noqday Magaalooyinka.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay dhaqaalaha oo hoos u dhac balaaran uu ku yimid taas oo ay sabab u tahay dagaalka kasocda Yukrayn taas oo khalkhal guud galisay dhaqaalaha aduunka oo dhan iyo xanuunka Covid-19 oo Wali saamayntiisa ay aduunka ka jirto.

Dhinaca amniga Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay ciidamada kala duwan ee hay’adaha amniga oo maalmahii lasoo dhaafay sameeyay howlgalo lagu naafeeyay argagisixsada isagoo sheegay inay jiraan dad suurad xumaynaya ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan argagixisada taas oo ah wax aan la aqbali Karin.

Dagaalka Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay inuu rajo Wanaagsan ka qabo in loo midoobo isla markana Dowlada iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ka shaqayn doonan sidii si wadajir ah loogu soo afjari lahaa si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee doorashooyinka qof iyo codka ah iyo Dhamaystirka dastuurka.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo isagoo sheegay in dhawaan halkaas laga bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanka isla markana la fulin doono dhamaan mashariicdii hakadka ku jirtay mudadii Dowladii hore ay qalalaasaha ka waday gobolka.

Waxaa Madaxweynahu uu dadka gobolkaas ugu baaqay Midnimo iyo wadajir isagoo tilmaamay in wax walba oo jira wada hadal lagu dhamayn doono.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More