Axmed Madoobe oo sabab yaab leh u diidan in Kismaayo la geeyo ciidankii laga keenay Eritrea

Mar. 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa diidan qorshe ay waday dowladda, taasoo la xiriirta in Kun askari oo kamid ah ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea la geeyo gobolka Jubbada Hoose.

Sida wararka lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa Villa Soomaaliya ka dalbaday iney haatan dib u dhigto qorshaha soo daabulista askartaasi oo la doonayay in Kismaayo laga dajiyo horaanta bishan March.

Mr. Madoobe ayaa lagu waramayaa inuu si shaki uga qaaday ciidanka oo lala xiriiriyo dowladii ay hoggaanka u hayeen Farmaajo iyo Fahad, waana taas sababta dib u dhigtay qaadista ciidankan oo wali Muqdisho xero ku taala ku xareysan.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo safar deg deg ahaa shalay ku gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta la filayaa inuu wadahadal kala yeesho arrimahaasi madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo qorshaha yahay in laga dhaadhiciyo in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab laga bilaabo deegaanada Jubaland, si ciidanka laga keenay Eritrea looga dajiyo garoonka Kismaayo.

Hore qorshaha waxa uu u ahaa in wajiga labaad ee dagaalka Shabaab laga bilaabo deegaanada Koofur Galbeed, balse waxaa loo weeciya dhanka Jubaland, si ay fursad ugu noqoto in ciidankaasi la geeyo gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubaland isagu fiiro gaar ah ayuu ka qabaa in ciidan Muqdisho laga keenay la geeyo deegaanadiisa, xili dowladda dhexe aysan wali aqbalin mudo kororsiga sanadka ah ee loo sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe, taasoo ay sii dheer tahay in xili walba ay isku dhici karaan nidaamka Xasan iyo Xamze ay majaraha u hayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More