Axmed Madoobe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Soo dhaweynta Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qayb qaatay Mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka qaybgalayaa shirka Wadatashiga ee la filayo in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay soo dhoweyntiisa ayuu rajo ka muujiyay in shirka ka furmaya Muqdisho laga gaaro heshiis ku saabsan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More