Muuse Biixi;”Shaqaalaha Dowlada iyo Ciidamada waa inaysan ku milmin Siyaasadda”

Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland Muuse Biixi ayaa ugu baaqay shaqaalaha iyo ciidamada Somaliland inaysa ku milmin arrimaha siyaasadda oo ay dhexdhexaad ka noqdaan ololaha doorashada .

Warkan ayuu Madaxweyne Biixi ka sheegay kulan ay Golaha Wasiirada Somaliland ka yeesheen diyaar garowga iyo hirgelinta doorashooyinka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shirka ka sheegay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada ay mamnuuc ka yihiin arrimaha siyaasadda iyo inay ku dhex milmaan ololaha doorashada.

“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa”ayuu yiri Muuse Biixi.

Maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in 31ka bishan May ay ka dhacdo doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka,waxaana guud ahaan gobolada Somaliland ka socda ololaha doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More