Baarlamaanka Ethiopia oo ansixiyay qaraar loogaga qaadayo Bandowga dalka Ethiopia

Aqalka hoose ee baarlamaanka Ethiopia ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qaraar lagu qaadayo xaaladda degdegga ah ee ka jirtey dalka Ethiopia.

Waxay daba socotaa soo jeedintii golaha wasiiradda ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed bishii hore ee lagu soo afjarayo xaaladda degdegga ah.

Wareegtada xukunka deg-degga ah ayaa la soo saaray bishii November ee sannadkii hore muddo lix bilood ah iyadoo isbahaysiga xoogaga fallaagada – oo ay ku jiraan Tigray People’s Liberation Front (TPLF) – ay u sii gudbeen caasimadda Addis Ababa.

Dawladdu waxay go’aankeeda ku sheegtay in xaaladda amni ee soo hagaagtay iyo dhaqaalaha ku baxay wareegtada.

Iyadoo dagaaladii xooganaa ee u dhaxeeyay dowlada iyo fallaagada Tigray uu hoos u dhacay, ayaa weeraro iyo iska hor imaadyo hubeysan ayaa ka socday gobolka Canfarta, ee dariska bari ee Tigray-ga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More