Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh codka kalsoonida u siiyay ra’iisil wasaare Xamse.

June 25 (Jowhar.com)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goordhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

220 oo soo xaadirtay Kulanka ayaa dhammaan ay gacanta ugu coddeeyeen Ra’iisul Wasaare Xamse, ma jirto cid diiday ama ka aamustay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub oo noqday kii 21-aad uu dalkan yeesho.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan laga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More