Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada 2021

Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril ayaa waxa ay maanta ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2021.

Kulanka maanta oo ahaa Fadhigii 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad ayaa waxaa soo xaadiray 54 Mudane, iyaga oo dood adag ka yeeshay Miisaaniyadda Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Dooda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dood ka dib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2021., waxaana guddoomiyaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril uu fadhiga ka sheegay in ay ansax tahay miisaaniyadda 2021.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More