Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada dalka Ethiopia

Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay hareereeyeen magaalada Mekelle Caasimadda ismaamulka Tigray.

Maanta ayaa waxaa ku eg saddex cisho oo fursad ahaanta loo siiyay madaxda ismaamulka Tigray in ay isku dhiibaan, waxaana socda tallaabo lagu dhaqangelinayo go’aan Dowladda Federaalka Itoobiya ay qaadatay marka waqtigaas idlaado.

Madaxda TPLF ayaa ku gacan seyrtay 72-saac ee loo qabtay in ay isu dhiibaan si loosoo afjaro dagaalka todobaadka saddexaad fodda la galay ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & ismaamulka Tigray.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka inaysan faraha la soo gelin arrimaha dalka Ethiopia inta xukuumadda ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.

Itoobiya waxay ka codsatay beesha caalamka in aysan isku dayin “Tallaabooyin aanan lasoo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda” xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin si gargaar banii’aadanimo loo gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisa “uu diiday in lasoo farageliyo arrimaha gudaha” kana codsaday beesha caalamka “Inay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah”

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo walaac beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in dadka ka soo cararaya dagaalada ka soconaya waqooyiga dalka Itoobiya ay tiradoodu gaartay illaa afartan kun oo ruux.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More