Baarlamaanka Puntland oo diiday dib u magacaabista Deni ee hoggaanka maxkamadda sare.

July 07 (Jowhar.com)-Baarlamanka maamulka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiddey dib-u-magaacbista Hoggaanka Maxkamadda-sare oo dhowr beri ka hor markii la ansixin waayey uu dib-u-magacaabay Madaxweyne Deni.

Cod Barlamanku qaadey ayaa 30 kamid ah diidey dib u soo celinta guddiga Maxkamada sare ee Madaxweynaha, 3 xubnood ayaa ka horyimid halka 7 xildhibaana ka aamuseen, sida gudoonka baarlamaanka ay ku dhawaaqeen.

Goluhu waxay sharci-darro ku tilmaameen in madaxweynuhu soo saaro waeeegto iyada oo aan loo gayn qoraalka rasmiga ah ee kalsooni-kalanoqoshada Maxkamadda-sare.

Barlamanka Puntland ayaa guddi u saarey ka soo baaran-daga khilaafkaan kadib diidmadoodii Hore iyo dib u soo magacabistii gudigaan ee madaxweynaha inta uusan ka dhoofin Magaalada Garowe.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta Maxkamadadda-sare oo uu ku jiro Guddoomiyaha Mr.Taaraan ayaa muddo ku shaqaynaya xasaanad la’aan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More