Baarlamaanka Soomaaliya oo dood adag ka yeeshay Mooshinka wax ka bedelka Dastuurka

Jun. 03 (Jowhar.com)- Waxaa xarunta Villa Hargeysa ka socoto kulan xasaasi ah oo xildhibaanada golaha shacabka uga doodayaan wax ka badal lagu sameynayo daatuurka taasoo hadalheyn dhalisay saacadihii lasoo dhaafay.

Cabdulaahi Cumar Abshirow, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo gudoominaya fadhigan ayaa meesha ka saaray inuu xiligiisii dhacay Mooshinkan oo ay ku doodeen xildhibaanada qaar.

“Mooshinkan waqtigiisu ma dhicin, kalfadhigii hore ayay ahayd in la keeno laakiin waxaa ka xirmay kalfadhiga sidaas darteeda waxaan rajeynayaa in Xildhibaanada ay ku qancaan. Mooshinka maanta go’aan lagama gaarayo balse waxaa laga dood” ayaa ka yiri madasha.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firinbi) ayaa xaaraan ku tilmaamay qorshaha wax ka bedelka loogu sameynayo dastuurka, waxa uu sheegay in si lamid ah Farmaajo uu ula dagaalami doono nidaamka madaxweyne Xasan hadey mudo kororsi u weecdaan.

“Mooshinkan wax ka badalka dastuurka sharci ma ahan, waa xaaraan mana waafaqsan dastuurka, waxaana muuqata in uu horgal u yahay [muddo kororsi] sharci darro ah. Hal sano ayaan banaanka joogay aniga oo muddo kororsi diidayo. Haddii ay daruur keeneyso waa in loo maraa habraaca saxda ah” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in mooshinkan uu hordhac u yahay talaabooyin la rabo in lagu ijaafeeyo xildhibaanada oo looga dhigayo kuwo iyaga raba mudo kororsiga.

“Mooshinkan maanta naloo keenay waxa uu yeelay afar bilood; waqtigiisu wuu dhacay mana mudna in maanta laga dooda, saxna ma ahan habraaca loo maray. Mooshinkan waxa uu horudhac u yahay waxyaabo la rabo in lagu ijaafeeyo Xildhibaanada oo laga dhigo in ay muddo kororsi raadinayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More