Xoghayaha C/raxmaan C/shakuur oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Jun. 03 (Jowhar.com)-Qarax ka dhashay miino lagu xiray gaari ayaa Sabtida maanta ah ka dhacay wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan nawaaxiga saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Baabuurka ayaa lagu waramay in uu watay Axmaad Garaar oo ah xogheynta gaarka ah er Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wali ma jirto koox dusha saaratay mas’uuliyada falkan.

Dhaawaca Garaar ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, halkaasoo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo ka sameeyay halka qaraxa uu ka dhacay oo ah isgoyska Debka gaar ahaan aaga saldhiga Waaberi, lama iga cida ay howlgalkaasi kusoo qabteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More