Bandow xiliga habeenkii ah oo lagu soo rogay magaalada Xarardheere

Feb. 20 (Jowhar.com-Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka ayaa soo saaray awaamir culus oo la xiriirta sugida amniga magaalada Xarardheere oo dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Sida ku cad go’aano ka soo baxay shirka ay isugu yimaadeen saraakiishan, waaxaa la isku raacay in habeenkii laga bilaabo lixda maqribnimo illaa waaberiga la joojiyay dhammaan isku socodka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada ee magaalada.

Dadkii hore u raacay Shabaab ee haatan doonaya iney dib ugu soo laabtaan magaalada ayaa lagu amray iney tagaan saldhigga booliska, si baaritaan amni loo marsiiyo.

Marka laga reebo ciidamadda u xilsaaran sugida amniga ee magaalada, dhamaan ciidamadda kale ayaa la faray iney isaga baxaan gudaha magaalada oo ay dib ugu laabtaan talisyadooda.

Saraakiisha ayaa sheegtay in talaabooyinkan ay uga gol leeyihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro Shabaab ay la damacsan yihiin Xarardheere oo ay xogtooda heleen, waxaana shacabka loo diray fariin ah iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More