Bankiga Dhexe oo shaaciyay xiliga lasoo daabacayo lacagta cusub ee shilin Soomaaliga

Jan. 18 (Jowhar.com)-Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe Cali Yaasiin Wardheere ayaa sheegay in sanadka 2024 lasoo daabici doono lacagta cusub ee shilin Soomaaliga oo Kun Shiling ah, ujeedka laga leeyahayna ay tahay in wax laga qabto sicir bararka iyo xakameynta lacagaha qalaad ee suuqyada ku jiro.

Mr. Cali Yaasiin ayaa tilmaamay in arrintan ay kala shaqeyneyso hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, isagoo raja ka muujiyay in xal loo helo dabar go’a ku socda lacagta Shiling Soomaaliga oo aan si aad looga adeegsan suuqyada dalka

“Lacagtii hore ayaa dhow inay meesha ka baxdo, soo saarista lacagta cusubna waxay la dagaalami doontaa lacagaha sharci darrada ah iyo in la xakameeyo sicir bararka” ayuu yiri Wardheere.

Lama oga inuu dhab noqon doono hadalka gudoomiye kuxigeenka Bankiga Dhexe, iyadoo dhowr jeer oo hore loo shaaciyay in la daabacayo lacago cusub, taasoo noqotay arrin aan afka dhaafin.

Lacagta haatan meelo badan oo gobolada dalka kamid ah laga isticmaalo ee Kunka Shiling Soomaaliga ayaa la daabacay xiligii ay dalla ka arrimin jirtay dowladii uu hoggaaminayay AHUN Maxamed Siyaad Barre.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More