Baydhabo oo lagu qabanayo doorashada kuraastii u danbeysay golaha shacabka ee Koofur Galbeed

Mar 10 (Jowhar.com)- Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in todobaadkan ay soo gaba gabeynayaan kuraasta ku harsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qoraal ka soo baxay guddigan ayaa lagu sheegay in todobada kursi ee ku harsan Koofur Galbeed la soo dooranayo kahor inta aan la gaarin 15-ka bishan oo ah waqtiga ay qabsadeen golaha wada-tashiga qaran iney ku soo dhameyn doonaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Arbacadii shalay, Baydhabo waxaa lagu doortay lix xildhibaan, iyadoo inta harsanna ay soo dhameystirmayaan, iyadoo koofur Galbeed dooneyso iney noqoto maamul goboleedkii u horeeyay ee doorashada xildhibaanada soo afmeerta.

Kuraasta la shaaciyay in la qabanayo doorashooyinkooda waxaa haatan ku fadhiya;

HOP#181: Maryan Macalin Isaaq.

HOP#204: Macallin Cali Aadan.

HOP#197: Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.

HOP#179: Maxamed Axmed Maxamed Garweyne.

HOP#172: Cali Caddow Maxamed.

HOP#164: Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.

HOP#047: Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Si kastaba, Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo guud ahaan ka kooban 275 waxaa la doortay 219 mudane, 54 Xildhibaan ayaa dhiman, muddada lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo 5 cisho ayaa ka harsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More