Beer uu lahaa Madaxweynihii hore ee Kenya oo la weeraray

Mar. 27 (Jowhar.com)- qof ayaa xoog ku galay beerta madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta oo ku taalla duleedka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Warrarka ayaa sheegaya inay dadkaasi jareen geedihii ku yaallay beerta iyaga oo adeegsanayay miinshaar waxayna sidoo kale dhaceen xoolihii daaqayay beerta, ugu damayntiina waxay dab qabadsiiyeen beertii.

Suxufiyiintii wax duubeysay ayaa la eryay, waxaana dhaawac uu soo gaaray wariye ka tirsan Warbaahinta Qaranka.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay weerarka.

Dhinaca Kale Booliiska Kenya ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biyo taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo todobaadkii labaad ka dhigey caasimada Kenya ee Nairobi dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda iyo qiimaha cuntada oo sare u kacay.

Iska horimaadka ayaa dhacay xilli kolonyada Odinga ay marayeen xaafad ka tirsan caasimadda, waxaana taageerayaasha qaar ay dhagxaan ku tuureen booliska, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

Boqolaal taageereyaal ah ayaa isugu soo baxay kolonyada xaafadda Kawangware, iyagoo ku qeylinayay “Ruto waa inuu baxo”, iyagoo ula jeeday madaxweyne William Ruto.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Odinga oo 78 jir ah ku sheegay in mudaaharaadyada Isniinta ay sii socon doonaan in kasta oo ay booliisku mamnuuceen, wuxuuna sidoo kale ku celiyay baaqiisii ​​isu soo baxyada Khamiista.

Odinga ayaa ku baaqay dibadbaxyadan oo todobaadkiiba laba jeer dhaca muddo aan la cayimin, isagoo ku sababeeyay qiimaha qaaliga ah ee quutal daruuriga ah sida daqiiqda galleyda, taasoo sare u kacday sicir bararka.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Ruto in uu wax isdabamariyay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore.

Ruto ayaa todobaadkii hore sheegay in mudaaharaadyadu ay waxyeelo u gaysteen ganacsiga iyo dadka caadiga ah.
Odinga oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa shan doorasho oo xiriir ah looga adkaaday isku daygiisii ​​ahaa in uu Madaxweyne noqdo.
Waxa uu ka horyimid natiijadii ugu dambeysay ee ka soo baxday maxkamadda sare, taasoo taageertay guusha Ruto.

Taliyaha booliska Kenya ayaa Axadii shalay ku dhawaaqay in la mamnuucay dibadbaxyada uu ku baaqay Odinga, isagoo sheegay in falalkan ay yihiin kuwo sharci darro ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More