Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo la kulmay saraakiil ka socotay UNHCR

Mar. 27 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa kulan la yeeshay Madax ka socotay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.
Kulankaan oo ka dhacay Xarunta hay’adda SODMA ayaa looga wada hadlay arima la xariira dadka ku barakacay gudaha dalka ( IDPs) sida loo caawin lahaa, iyo sidii ay wada shaqeen dhaw u yeelan lahaayeen labada hay’adood, taas oo taabanayso dhinacya badan.

Ugu danbayn guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka qaranka ayaa u mahadceliyay madaxda ka socotaya hay’adda UNHCR booqashada ay ku yimadeen Xatunta SODMA iyo wada shaqaynta ay ballan qaadeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More