Beesha Caalamka oo taageeray Shirka Arrimaha Doorashooyinka

Beesha Caalamka ayaa taageero xoog leh u muujisay shirka la filayo inay isugu yimaadaan Madaxda dowlad goboleedyada dalka,maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlada Federalka kaasi oo loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraal ay soo saareen beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

“Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay ballanqaadka madaxda dowlad goboleedyada eeka qeybgalka shirka si shuruud la’aan ah.

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhamaan madaxda DFS iyo DGXDF inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More