Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor ayaa kula kulmay hoyga uu ka degen yahay Muqdisho xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta iyagoo ka wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Kulankan ayaa musharaxiinta ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo Musharax Daahir Maxamuud Geelle.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan uu ka mid yahay Shir doceedyo ay yeelanayaan Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, shirarkan ayaa ku qotoma arrimaha shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu Sabtida furmo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More