Beesha caalamka oo war kasoo saartay dagaaladii u danbeeyay ee Laascaanood

Aug 28 (Jowhar.com)-Diblomaasiyiinta matalaya waddamada iyo ururrada caawiya Soomaaliya ayaa sheegay inay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saareen.

Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.

Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalamayaasha, iyo saadka iyo hubka la siinayo, ayuu war saxaafadeedku intaas ku daray.

“Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Saaxiibada beesha caalamka ee war saxaafadeedka soo saaray waxaa ka mid ah Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Jabuuti, Midowga Yurub, Itoobiya, Kenya, UK, Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo waddamo kale.

Saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale sheegay inay mar kale ku celinayaan muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan, sida lagu sheegay war saxaafadeedkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More