Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Baarlamaanka u gudbisay Xisaab -xirka sanadka 2022

Aug 28 (Jowhar.com)-Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xisaab -xirka Dowladda ee sanadk 2022 – ka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane. Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023-ka ayaa waxaa baaris Maaliyadeed ku sameeyay Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka, iyada oo natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sii wadi doonta xoojinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta ku dhisan ee la xariira Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo Dowlad wanaagga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More