Bolsonaro;”Dadka iska tallaalay Covid 19 waxay halis ugu jiraan cudurka AIDS”

Maxkamadda Sare ee dalka Brazil ayaa bilowday baaritaan la xiriira war uu sheegay madaxweynaha wadanka Barazil Bolsonaro kuwaas oo ku tilmaamay dadka laga tallaalay xanuunka Covid-19 inay halis ugu jiraan inay qaadaan xanuunka AIDS-ka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu hadalkan yiri isagoo oo tebin toos ah ka waday baraha bulshada, inkastoo markii dambe dambe laga masaxay baraha Facebook, YouTube iyo Instagram iyagoo adeegsanaya siyaasadahooda ka dhanka ah wararka been abuurka ah.

Mr Bolsonaro ayaa had iyo jeer shaki geliya waxtarka tallaalada fayraska koroona.

Waxa uu durba wajahayaa baaritaan gooni ah oo ku saabsan sida uu u maareeyay cudurka faafa ee fayraska koroona.

Intii lagu guda jiray tebinta tooska ah, Mr Bolsonaro wuxuu sheegay in “in dadka si buuxda looga tallaalay Covid-19 ay halis ugu jiraan cudurka (Aids-ka)”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More