Booliska oo sheegay in la soo qabtay raggii ka dambeeyay dilal ka dhacay Muqdisho

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo qabteen askar ka dambeysay dilal labadii habeen ee ugu dambeysay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaris kaddib uu soo qabtay Gaari Cabdi Bile ah iyo askartii la socotay iyadoo baaritaan lagu sameynayo.

 

“Waxa aan gacanta kusoo dhignay Gacan ku dhiiglayaashii iyo Gaarigii ay wateen, waxaa harsan oo kaliya in caddaaladda la waafajiyo, Hay’adaha amniga waxaa ka go’an in caddaalad loo helo dhibbane Sowda & Sakariye” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

 

Hase yeeshee qoyska Sowada iyo Sakariye ayaa hore u sheegay inaysan sugayaan cadaalada oo aan la aasi doonin meydka carruurtooda inta laga helayo dadkii ka dambeeyay dilkooda.

Soo qabashada askarta loo haysto dil ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaare Rooble waxana uu u tacsiyeeyay qoysaska ay ka dhasheen Sowdo,Sakariye iyo mahad waxana uu faray laamaha cadaalada in si degdeg ah maxkamad loo horgeeyo askarta geysatay dilka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More