Booliska oo soo qabtay Nin ku Eedeysan dilkii shalay ka dhacay Isgoyska Jubba

Mar. 02 (Jowhar.com) – Ciidanka booliska ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka wiil Bajaajle ah oo shalay lagu dilay meel u dhaw isgoyska Jubba ee dagmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Ninka dilka lagu eedeynayo oo magaciisa lagu sheegay Cabdirizaak Nuur Qanje ayaa laga soo qabtay deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe kadib markii ay iskaashadeen ciidamada booliska gobolka Banaadir iyo kuwa Hirshabelle.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa ka sheegay goob lagu soo bandhigey eedeysanaha ayaa beeniyay inuu ninka geystey uusan ka mid ahayn ciidamada dowlada,balse uu ahaa qof rayid ah oo hubeysan.

“Gacanta laamaha ammaanka ayuu ku jiraa ninka falka dilka u geystay marxuumka Bajaajlaha ahaa, waxay ahaayeen saaxiibo mana aheyn askari ka tirsa ciidanka qalabka Sida, waxaana u gudbineynaa hay’adaha ku shaqada leh si Caddaaladda loo marsiiyo “ ayuu yiri Afhayeenku.

Ninkan dilka geestay ee booliiska soo qabteen ayaa la sheegay in wiilka uu dilay ay saaxiibo ahaayeen, waxa uuna dilka kaddib horey uga sii qaatay mootadii uu watay marxuumka. Darawalka Mooto Bajaajta ee shalay lagu diley isgoyska Jubba ayaa la oran jirey Daahir Ibraahim Abshir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More