Boqoradda UK Queen Elizabeth II oo geeriyootay.

Sept. 08 (Jowhar.com)-Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa maanta geeriyootay ayada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhowaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u billaabeysa boqortooyada.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 1952-kii, markaasi oo ay beddeshay aabaheed Boqor George, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Geerida ayaa lagu dhowaaqsay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Waxay ka tagtay afar carruur oo kala ah; Prince Charles, oo ah73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More