C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay sababaha soo noqnoqoshada abaaraha.

June 21 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta ka qeybgalay kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka oo shaley furmay ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray saameynta isbeddelka cimilada, badqabka cuntada (food security) iyo xal u helidda dhibatooyinka soo noqnoqda ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Ergeyga oo shir guddoominayay mawduuca Isbeddelka cimilada iyo dhisidda dad u adkeysan kara ayaa hadaljeedintiisii furitaanka si kooban uga warramay socdaalladiisii uu degmooynka abaaruhu saameeyeen ku tegay, Baaxadda abaaraha iyo sida dhanka kele aysan dadku war badan ugu heynin.

Ergeyga oo ayaan darro ku tilmaamay in doorasho kasta ka dib la qabto shir abaaro taagan loogu gurmanayo ayaa sababaha ugu waaweyn soo noqnoqoshada abaaraha ku sheegay isbeddelka cimilada, nabadgelyo darrada iyo xaalufinta dhirta isaga oo islamarkaas tilmaamay in baahi weyn loo qabo helidda xal waara.

U dhaqaaqa helidda xal waara ayaa waxaa cusleynaya sida uu sheegay ergeygu arrimaha kale ee kula loollamaya ajendaha siyaasadda sida nabadgelyada, qabyotirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta, isaga oo taas ka duulayana waxa uu sheegay in uu kula talin doono madaxda dalku in ay arrinkaan ku daraan barnaamishada hortebinta leh isaga oo ku rejo weynyahay in xafiiskiisu soo bandhigi doono talooyinkii ku saabsanaa.

Intaas kadib ayuu makarafoonka kusoo dhaweeyay martisharafka barnaamijka ku casuunnaa oo xog ballaaran kasoo bandhigay mowduuca sida in isbeddelka cimiladu keenayo roob yari, koroka heer kulka iyo sidoo kale sare u kaca heerka badda kuwaas oo saameyn weyn ku yeelansa dad, duunyo iyo deegaanba. Dhanka kale waxa ay martisharafku soo bandhigeen in adduunku u diyaargaroobay dhaqaalo ku bixinta ka hor tagga wax ka qabashada dhibaatooyinka la xiriira isbeddelka cimilada ha yeeshee mashruucyadiisu leeyihiin habraacyo shuruudo adag iyo baraacyo dhaadheer.

Fursad dadweynaha la siiyay oo ay faallo iyo weydiimo kusoo bandhigeen kadib ayaa ey martisharafka iyo Ergeygu soo xireen kulanka iyaga oo carrabka ku adkeeyay mudnaanta dhisidda hayado-dowladeed karti leh oo ka miro dhalin kara howshaas baahida weyn loo qabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More