C/raxmaan Cirro oo si kulul uga hadlay dadkii lagu laayay Laascaanood.

Dec. 31 (Jowhar.com)-Mucaaradka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood iyo dadkii ay ciidamadda Somaliland ku dileen magaalada todobaadkii la soo dhaafay.

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxaxmed Cabdullahi (Cirro) oo qoraal ka soo saaray xiisadda taagan ayaa wax aan la aqbali karin ku sifeeyay dadka ay ciidamadda laayeen, wuxuuna fal axmaqniml ku tilmaay ficilada ciidamadda.

“Arrintaas waa axmaqnimo, Xukuumadda waxaa la rabay in ay soo qabato dadkii Hadraawi dilay balse kama sugeyn in ay disho 10 kale, wax la aqbali karo ma ahan arrimahaas Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay amniga sugto magaaladana culeyska ka qaado iyada amniga la sugaayo, Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Culimada & Haldoorka waxa aan usoo jeedinayaa in aan la dhayalsan ,” ayuu yiri Cirro.

C/raxmaan Cirro ayaa dhinaca kale golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ugu baaqay ineysan fududeysan waxa ka socda Laascaanood oo sida uu sheegay lagu dilay 10 qof oo aan waxba galabsan.

“Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay amniga sugto magaaladana culeyska ka qaado iyada amniga la sugaayo, Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Culimada & Haldoorka waxa aan usoo jeedinayaa in aan la dhayalsan” ayuu raaciyay musharrax C/raxmaan Maxamed Cirro.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka ah mid ka dagan maalmihii la soo dhaafay, waxaana si tartiib tartiib ah u furmaya goobaha ganacsiga, iyadoo ciidamadda Somaliland oo wata gaadiidma dagaalka ay gaaf wareegayaan gudaha magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More