Cabdi Qeybdiid iyo Dhabancad oo ku dhaawacmay weerarkii Laasgacameey

Sep 15 (Jowhar.com)-Warar goordhow naga soo gaaray gobolka Muduh ayaa sheegay in laba kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ay ku dhaawacmeen weerarkii Shabaab ay ku qaaday Deegaanka Laas gacamey.

Senator Cabdi Qeybdiid iyo Senator Dhabancad ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhaawcameen weerarka oo ahaa Ismiidaamin loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Dowladda ayaa diyaarad gaar ah u dirtay deegaanka si loogu soo qaado dhaawacyada labada Senator oo la keenayo magaalada Muqdisho si loogu dabiibo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor oo isna ku sugnaa goobta la weeraray ayaa ka badbaaday qaraxaasi, waxaa jiro askar dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkan, walow tirada rasmiga ah wali aan la shaacin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More