Qoor-qoor oo beeniyay inay waxyeelo ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Laas Gacamey

Sep 15 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka hadlay weerar ismiidaaminta ahaa oo saaka lagu qaaday xarun uu ka degenaa tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa degaanada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Muuqaal kooban oo la soo dhigey bogga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa ka soo muuqday Madaxweyne Qoorqoor oo xiran dharka tuutaha milatariga waxana uu beeniyay in ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay Laas Gacamey.

Madaxweyne Qoor-qoor waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Qoor-qoor;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More