Cabdi Xaashi iyo C/kariin Guuleed oo ka shiray wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Apr. 02 (Jowhar.com)-Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi.

Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yeelan doona masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadaladaas.

Mudane Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Ergeyga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midnimadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalkaa ee uu la wadaagay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More