Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble uu go’aan deg-deg ah ka gaaro

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu si kulul ugaga hadlay qoraal la sheegay in Fahad Yaasiin Taliyaha Nabadsugida uu u direy Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay qoraalkaas in uu yahay mid uu Taliyaha Nabadsugida la ogyahay Madaxweynaha muddo xiledkiisu dhamaaday ee Farmaajo uuna yahay mid nuxur sharci iyo mid dowladeed midkoodna lahayn.

Waxa uu ugu baaqay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ra’isul wasare Rooble inuu go’aan degdeg ah ka gaaro taliye Fahad kahor inta uusan dhamaanba waqtigii uu u qabtay.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur;

Qoraalka uu soo saaray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dowladeed midkoodna ka maran, waana:-

1- Xaqiraad (contempt) iyo xagaldaacin lagu sameeyey goโ€™aankii Raysalwasaare Rooble.
2- Waa farsamo kale oo awoodda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhammaaday, masuuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey.
3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, xogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble.
Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon?
1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhimman 48 saac.
2- In dhammaan dadkii kiiska ku lug lahaa tillaab sharci ah laga qaado, lana xannibo.
3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan.
Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More