Cabdiweli Muudeey oo loo diiday inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aden Cadde

Guddoomiye Kuxigeenkii 1aad C/weli Muudey ayaa loo diiday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeday magaalada Baraawe, si uu uga qeybgalo tartanka doorashada golaha shacabka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kursiga uu ku fadhiyay Cabdiweli Muudeey in loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo reer Australia.

Sidoo kale, wararka qaar ayaa sheegaya in isku dayga lagu celiyay C/weli Muudey uu ka dambeeyo La Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo quudareynaya inuu tartamo booska Guddoomiye kuxigeenka 1aad

C/weli Muudey iyo ciidamo Ilaalo u ah ayaa hadda ku sugan qeybta VIP-da Garoonka diyaaradaha, waxaana diyaaradda qaadi laheyd lagu armay in aysan ka bixi karin garoonka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More