Cabdiweli Muudey;”Waxaa la ii diiday inaan u safro Baraawe waxaana lagu xadgudbay xuquuqdeyda”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahin Muudeey ayaa sheegay in loo diiday inuu u safro magaalada Baraawe si uu ugaga qeybgalo doorashada kursiga uu ku fadhiyay ee yaala magaalada Barawe.

Cabdiweli Muudey oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay diidmada lo diiday inuu u safro magaalada Baraawe inay tahay xadgudub lagu sameeyay xuquuqdiisa muwaadinimo ee ah dhinaca safarka iyo ka qeybgalka doorashada dalka.

“Waa arin la yaab leh in qof tartami lahaa ma safri kartid la yiraahdo waa gef iyo meel ka dhaca xuquqda qofkana lagu xadgudbay Soomaalida iyo Beesha Caalamka waxaan u sheegay in xadgudubkaas igu dhacay.”ayuu yiri Cabdiweli Muudeey.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka sheegay inuu ogyahay dadka ka dambeeya falka lagula kacay lalana xisaabtami doono balse ma carabaabin cidda ka dambeysa.

“Sababta la igu diidey waxa ay tahay waxa la diiday inaan u tartamo kursiga, kursiga qabiil ayaa leh, qof iskama lahan, qabiilka nimaan anaga rabno ma ahee nin kale uma tartami karo in la yiraahdo waa gef,arrinkaa dadka ka dambeeya waan naqaanaa mala isaga harayo, hanjabaad iyo guul guul waxba la igama qaadayo,waana lagu xisabtami doonaa, ma ihi qof la handadi karo loo hanjabi karo maxaa yeelay xuquqdeyda ayaan raadinayaa,”ayuu sii raaciyay.

Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in waaxda duulista magaalada Barawe loo sheegay in diyaarada iga qaado Muqdisho la soo ridayo,sidoo kalana ay amreen Maamulka Koofurgalbeed inaan iman karin magalada Baraawe.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in la taliyaha amniga Farmaajo Fahad Yaasiin uu doonayo in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka sida awgedna loogu diidan yahay Cabdiweli inuu ka qeybgalo doorashada ka dhacaysa Baraawe.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu dhawaan tegi doono magaalada Beledweyne si uu u soo qaato kursiga uu hore ugu fadhiyay Faarax Cabdqaadir, balse lama oga sida laga yeeli doono Faarax Cabdqaadir oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga #HOP 086.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More