Guddiga hirgelinta doorashada Somaliland oo shaaciyay guddiga xulista ergada Doorashada 3-kurs

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada sadexdii kursi ee u dambeeyay kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland oo guud ahaan gaaraya 46 kursi oo lagu dooranayay Muqdisho.Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada waqooyi ayaa noqonaya kuwa ugu horeeya ee dhamaystira doorashada labada aqal gaar ahaan Golaha Shacabka oo la qorsheeyay in lagu dhamaystiro gabagabada bishan aynu ku jirno.

Hase yeeshee maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan soo saarin liis doorasho toddobaadyadii la soo dhaafay iyagoo ay u harsan yihiin kuraas badan,halka maamulada Galmudug,Koofurgalbeed iyo Hirshabelle ay wadaan doorashada inkastoo aan la hubin in ay soo dhamaystiri karaan muddada loo asteeyay.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More