Cabsi laga qabo in golaha guurtida Somaliland ay mudo kordhin u sameeyayaan Muuse Biixi.

Sept. 24 (Jowhar.com)-Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aanay qaban karin doorashada madaxweynaha ee lagu waday in la qabto 13-ka bisha November.

Guddiga waxay sheegeen in farsamo iyo dhaqaale ahaan aysan diyaar u aheyn qabshada doorashada.

Waxay sidoo kale sheegeen in doorashada Madaxweynaha ay ku qaban karaan muddo 9 bilood ah laga bilaabo 1-da bisha Oktoobar ee sanadkan si ay isugu diyaariyaan qabashada doorashada.

Somaliland waxaa ka taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka iyadoo mucaaradka ay ku baaqayeen in doorashada lagu qabto xilligeeda.

Waxaa tallaabadan laga yaabaa in golaha guurtida Somaliland ay kordhiyaan muddo xileedka Madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More