Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar

April 05 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa dib ugu laabtay saaka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii muddo labo bilood ah uu ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle iyo guddiga doorashooyinka Hirshabelle.

Waxaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiin kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More