Cumar Cabdirashiid oo si kulul uga hadlay warkii ka soo baxay NISA

April 05 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si kulul uga hadlay warkii ka soo baxay NISA ee ku saabsanaa qorshe ay sheegtay in lala damacsan yahay in lagu qaarijiyo Farmaajo iyo Rooble.

Cumar Cabdirashiid ayaa boggiisa Twitterka waxa uu ku sheegay in qoraalka ka soo baxay NISA uu muujinayo sida Nabad iyo Nolol ay uga walwalsan tahay doorashada dalka.

Qoraalka ayuu uga digey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka in NISA ay noqon karto goob laga soo abaabulo howlaha khatar gelinaya doorashada dalka

” Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada, Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlaha xunxun ee khatar gelinaya doorashada”.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More