Cali Guudlaawe oo sheegay in ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u yaalaan isbaarooyinka Hirshabelle

Apr. 05 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa sheegay in Isbaarooyinka yaala deegaaanada Hirshabeelle ay u yaalaan Qaar kamid ah Ciidanka Xoogga dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isbaarooyinka yaala deegaanada Hirshabeelle ee lagu dhibayo dadka musaafurka ah ay u yaalaan Ciidanka Xoogga Dalka ee hoostaga Wasaarada Gaashaandhiga isagoo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay balse aan waxba laga qaban.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadkeena ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah Ciiidanka Xoogga dalka oo aan la wadaagnay Taliskooda iyo Madaxda dalka.

Madaxweynaha Golaha Xukuumada la wadaagay diyaar garowga loogu jiro wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo khawaarijta alshabaab oo dhowaan ka bilaaban doono deegaanada Hirshabeelle, waxa uuna shacabka ugu baaqay inay isu diyaariyaan ka qeybgalka howlgaladaas.

Wasiirka Qorsheynta ayaa golaha la wadaagay halka uu marayo barnaajimka xalka waara, iyadoo dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaadiidka uu golaha uga waramay qorshooyinka Wasaarada ee hagaajinta Garoomada diyaaradaha iyo howlgalinta taarkooyinka gaadiidka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Hirshabeelle inay ka feejignadaan fatahaado laga yaabo inuu sameeyo Wabiga Shabeelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More