CCW oo ugu baaqay Rooble in isbedel Degdeg ah ku sameeyo

April 05 (Jowhar.com)- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee dhawaan la soo doortay ahna musharax Madaxweyne ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaare Rooble inuu isbedel deg-deg ah ku sameeyo madaxda hay’adaha ammanka isla markaana uu baajiyo dabaaldegga12ka April, maadaama aan 3 sano ee ugu danbaysay aan la qaban.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur sidan;

Sida aan xog sugan ku helnay farriinta lagu daabacay bogga Twitter -ka ee NISA waxaa amarkeeda bixiyey madaxweynaha xilkiisa dhamaaday. Waa isku day lagu carqaladaynayo doorashada dalka, gacantana dalka loogu gelinayo argagexisada Alshabaab. Markii lagu guul darraystay muddo kororsi, laaluush, kala qaybin, xil ballanqaadis, ayaa la isugu hanjabayaa argagexisada.
Waxaan u bahaan nahay in aan dalka ka ilaashanno argagexisada magaca siyaasadeed iyo midda kan diineed huwan oo ay dantoodu isku tolantay.

NISA halkii ay ka ilaalin lahayd amniga dalka, iyadii ayey halistii amniga ka imaanaysaa. Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddu waa in ay isbedel degdeg ku sameeyaan hoggaanka hay’adaha amniga, waana in la joojiyaa dabaaldegga ajandaha gurracan lagu hoos abaabulayo ee 12ka April, maadaama aan 3 sano ee ugu danbaysay aan la qaban.

Xukuumad, maamul, shacab, siyaasi iyo waxgaradba waa in meel uga soo wada jeesannaa halista uu dalka wajahayo oo xilligan adag badbaadinta dalka u wada istaagnaa, gacana iska qabanaa kuwo doonayaa in ay dumiyaan mirihii Nabada iyo dawlad dhiska dalkeena.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More