Ciidamadda amaanka oo Baardheere ku dilay nin hubeysan oo dil qorsheynayay.

July 02 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho ay saaka ciidamadda amaanka ee dowladda ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ninka la toogtay oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab uu qorsheynayay inuu dil u geysto askari ka tirsan ciidamadda Nabad Sugida ee dowladda iyo qof shacab ah oo la socday, iyadoo rasaasta uu ninka hubeysan furay uu dhaawac ka soo gaaray askariga, walow iska caabin uu sameeyay askarigaasi ay sababtay inuu isna geeriyoodo ninkii hubeysnaa ee Shabaabka ahaa.

Saraakiisha ciidamadda iyo maamulka degmada Baardheere ayaa amaanay askariga howlgalkan fuliyay, waxeyna sheegeen in ciidamadda amniga ee degmada ay feejignaan dheeri ah ku jiraan, iyadoo shacabka ay hadal hayaan falkan.

Degmada Baardheere oo kamid ah degmooyinkii sanado kahor laga qabtay kooxda Al-Shabab ayaa ah mid istiraatiiji ah, iyadoo sidan oo kale hore looga hortagay weeraro iyo qaraxyo ay kooxda la samacsaneyd iney dadka ku dhibaateeyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More