Ciidamadda amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin dil qorsheynayay

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Feb. 19 (Jowhar.com-Ciidamadda amaanka ayaa deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay nin hubeysan, kaasoo lagu sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu damacsanaa dil uu u geysyto askari ka tirsan ciidamadda dowladda, balse waxaa xogtiisa laamaha amaanka u soo gudbiyay dadka deegaanka, taasoo keentay in la toogto kahor inta uusan fulinin shirqoolkiisa.

War ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu amaanay sida ay shacabka ula shaqeeyeen ciidamadda amaanka, waxaana laga dalbaday iney booliska soo wacaan hadey wax khatara ah arkaan.

Kooxda Shabaab oo deegaano badan laga soo saaray ayaa culeys xooggan soo saartay magaalada Muqdisho, iyadoo caasimadda dib ugu soo laabteen dilalkii qorsheysnaa ee kooxdaasi fulin jirtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More