Ciidamadda dowladda iyo Macwiisleey oo la wareegay deegaano muhiim u ahaa Shabaab.

Sept. 17 (Jowhar.com)-Ciidanka xoogga dalka oo kaashaanaya ciidanka deegaanka (Macawiisley) ayaa la wareegay deegaano hoos taga degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan, deegaanada ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Aboorey, Tardo, Geedsamo iyo kuwa kale.

Howlgalkan waxaa qeyb ka ah saraakiisha ciidamadda xoogga dalka, xildhibaan deegaanka ka soo jeeda oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo qaar kamida hoggaanka ciidamadda deegaanka ah ee Macwiisleyda.

Arrintan ayaa ka soo beegmeysa xili xalay nawaaxiga goobaha ay ciidamadda qabsadeen lagu dilay Sadex nabadoon oo qarax ay u dhigeen kooxda Al-Shabaab.

Degmada Buulo Burte ayaa ka mid aheyd deegaanada go’doonka ku jiray ku dhowaad 8 sano, tan iyo markii Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti la wareegeen sanadkii 2014.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More