Ciidamadda dowladda iyo Macwuusleey oo deegaan muhiim ah kala wareegay Shabaabka ku sugan Sh.Dhexe.

Nov. 27 (Jowhar.com) -Ciidamadda dowadda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macwuusleey ayaa la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe.

Sida wararku sheegayaan, ciidamaddan ayaa bilaa dagaal kula wareegay deegaanka, kadib markii ay kal hore isaga bexeen kooxda Al-Shabaab oo dareentay culeyska duulaan ee kusoo wajahan.

Saraakiisha ciidamadda Ceelbaraf qabsatay hoggaaminayay ayaa sheegaya iney kusii daba jiraan maleeshiyaadkii Shabaabka ahaa ee deegaanka isaga cararay, kuwaasoo duleedka Ceelbaraf saldhigtay.

Gobolka Sh.Dhexe ayaa ah haatan halka ugu badan ee uu ka socdo gulufka kadhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo arrintaasi loo aaneenayo in madaxweyne Xasan Sheekh uu tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa xoreynta deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee loo yaqaano Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen deegaanka maanta ay la wareegeen ciidamada huwanta ee ka kooban kuwa dowladda iyo deegaanka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More