Ciidamadda Gorgor oo burburiyay saldhigyo Shabaab ay ku lahaayeen Sh.Hoose.

July 02 (Jowhar.com)-Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga dalka, ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayeen degaano hoostaga degmadda Aw-dheegle ee gobolka Sh.Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle, iyadoo lagu duulayay xuuraan laga helay dadka deegaanka

Ciidanka Kumaadooska Gor-gor, ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyay degaanada kala ah Shaam-gare,tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More