Ciidamadda Somaliland oo saddex jiho ka weeraray magaalada Laascaanood

Dowladda Itoobiya oo ku guul dareysatay wadahadal ay ka dhex waday Somaliland iyo SSC

Feb. 21 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamadda Somaliland iyo dadka deegaanka.

Sida wararka hordhaca ah ee la helayo ay tilmaamayaan, ciidamadda Somaliland ayaa saaka saddex jiho ka weeraray magaalada, waxaana socda mid kamida dagaaladii ugu cuslaa oo mudooyinkan ay marti geliso xarunta gobolka Sool.

Dad goob joogayaal ah ayaa kusoo waramaya in saraakiisha ciidanka Somaliland ay go’aan ku gaareen in maanta la wada qabto Laascaanood gabi ahaanteed, waxaana abaabulka dagaalkan uu labadii maalin ee ina dhaaftay ka socda duleedyada magaalada.

Waxaa jiro madaafiic lagu garaacayo magaalada oo barbar socda dagaalkan, iyadoo madaafiicda oo ay soo tuurayaan ciidanka Somaliland ay ku dhacayaan xaafadaha ay dagan yiniin dadka fara ku tiriska ah ee ku haray magaalada.

Dagaalka Laascaanood oo galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah ayaa dhaliyay khasaare dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur bur hantiyadeed, iyadoo Somaliland ay albaabada ka xiratay baaqyada caalamiga iyo kuwa gudaha ee looga dalbanayo in ciidamadeeda ay kala baxdo magaalada, si jawi wadahadal u furmo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More