Ciidamo Burundi ah oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Sh.Dhexe

April 28(Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ciidamo ka tirsan Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS lagula eegtay deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa qabsatay mid kamida gaadiidka ay wateen ciidanka oo xiligaasi waday howlgal roondo ah oo ay ku baadi goobayeen xubno la sheegay iney Shabaab yihiin oo agaasi u soo dhawaaday.

Dad goob joogayaal ah waxey sheegeen in weerarka uu sababay khasaare xooggan oo gaaray ciidamada Burundi, iyadoo weerarka kadibna ay askarta rasaas dhowr jiho u fureen taasoo aaney wax khasaare ah ka dhalan walow dadkii shacabka ahaa ay ku kala carareen oo ganacsiyadiina irdaha la isugu dhuftay.

Kooxda Al-Shabaab oo mas’uuliyada weerarkan sheegatay ayaa baahisay in qaraxa ay ku dishay laba askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ayna ku burburiyeen mid kamida gaadiidka ay wateen ciidanka ee xiligaasi howlgalada waday.

Majirto wali wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidanka ATMIS iyo maamulka gobolka Sh.Dhexe oo xaqiinin kara sheegashada kooxda Al-Shabaab, iyadoo aagga weerarka uu ka dhacau ay wali miino baaris ka wadaan ciidamada Burundi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More