Ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya dagaalka Shabaab oo tababar loosoo xiray

Ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya dagaalka Shabaab oo tababar loosoo xiray

Mar. 10 (Jowhar.com)-Ciidamo cusub oo ka tirsan kumaandooska Gorgor ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo dhameysteen tababar mudooyinkii la soo dhaafay uga socday xerada Tirkisom.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka noqon doona dagaalka ka socda dalka kaas oo lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo la geyn doono furimaha hore ee dagaalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo goob joog ka ahaa xirida tababarkan ayaa kula dardaarmay ciidankan iney kaalin firfircoon ka ciyaaraan gulufka dagaal ee socda.

“Waxaa si weyn idiin sugaya hilow weynna idiin qabo walaalihiin idinkaga soo horreeyay ciidannimada oo idunku sugaayo furimaha dagaalka ee argagixisada qarandumiska ah lagu sii baacsanaayo, waxaana la doonayaa in aad noqotaan dhiig cusub oo ku soo biiray Gor-Gor kaalintoodana qaato”. ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Jaamac.

Si kastaba, ciidamadda Gorgor ayaa qeyb ka ah dagaalka Shabaab dalka looga xoreynayo, waxeyna boqolaal kamid ciidamadaasi ay haatan ku sugan yihiin deegaano dhawaan Shabaab laga saaray oo ku yaala gobolada dhexe ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More