Ciidamo cusub oo la wareegay amniga degmooyinka dhaca duleedyada Muqdisho

Apr. 10 (Jowhar.com)-Ciidanka xoogga dalka ee dhawaan tababarka kusoo qaatay dalka Ugand ayaa la geeyay guud ahaan qaybta Galbeed ee magaalada Muqdisho oo ah saldhigyada Wadajir, Dharkaynley, Dayniile, Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley.

Sida wararku sheegayaan, Ciidanka ayaa loogu tala galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoo durba bilaabay roondo iyo howlgalo xiliga habeenkii ah.

Ciidamadan ayaa hoostagaya talisyada booliska degmooyinka ay ka howlgalayaan, waana ciidan loogu talagalay xasilinta magaaladan.

Si kastaba, Madaxweyne Xassan ayaa qaatay go’aanka ah in amaanka caasimadda lagu fiiriyo ciidamo Militeri ah, ciidankan oo afar kun ku dhow ayaa dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Uganda, waana ciidan ay mushaaraadkoodii bixisay Imaaraatka Carabta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More