Ciidamo kasoo horjeeda Deni oo la wareegay qeybo kamid ah Garoowe

Jun. 20 (Jowhar.com)-Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay fiidkii fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Ciidamadan hubaysan ayaa ka soo horjeeda in baarlamaanku uu furo dastuurka Puntland, taas oo la filayo in golaha baarlamaanku uu guda galo dooddiisa maalmaha soo socda, haddii la isku raacona, wax ka bedel lagu sameeyo qodobka khusaynaya kordhinta tirada xisbiyada ay yeelanayso Puntland.

Illaa hadda xukuumaddu kama hadal, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More