Ciidamo Kenyan ah oo lagu laayay qarax ka dhacay Waqooyi bari

Jun. 20 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka waqooyi bari ee dalkaasi Kenya.

Qaraxa oo jugtiisa deegaano badan laga maqlay ayaa qabsaday gaari Taw ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka shaqeeya ilaalinta xadka, ciidanka la beegsaday ayaa ka yimid deegaanka Pandanguo,waxeyna kusii jeedeen deegaanka Witu oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Lamu.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa kusoo waramay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa, hayeeshee lama hayo tirade rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, sababo ku aadan ciidamada oo xirtay aagga qaraxa, warbaahinta iyo dadka caadiga ahna u diiday iney tagaan.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi ayaa ku faantay iney dishay 25 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya kadib markii uu burbruay gabi ahaan gaarigii ay saranaayeen, majirtose ilo ka madax banana kooxda oo xaqiijin kara sheegashadaas.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkan kordhisay weerarada ay ka geysaneyso dalkaasi, gaar ahaan gobolka Soomaalida ay ku badan tahay ee waqooyi bari Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More